Manchester City oo ku guuleysatay koobka FA Cup-ka, taariikh cusubna dhigtay+SAWIRRO

1858

Kooxda Manchester City ayaa ku guulaysatay koobka FA Cup-ka kadib markii ay garoonka Wembley ku dubatay naadiga Watford oo ay final-ka tartankan iskaga hor yimaadeen oo ay ku xasuuqday 6-0.

Qeybtii hore ee kulankan waxaa lagu kala nastay Man City 2-0 hoggaanka ku haystay, waxaana labadaasgool u kala dhaliyey David Silva iyo Gabrield Jesus, kuwaasoo ay kooxda Watford ka soo kabsan weysay.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Kevin De Bruyne oo kulankan badal ku soo galay ayaa goolka saddexaad ee u dhaliyey kooxda Man City.

Weeraryahanka reer Brazil ee Gabrield Jesus ayaa gool dhalinta ku soo laabtay wuxuuna goolkiisa labaad ahna goolkii afaraad kulan u dhaliyey Man City.

Balse dhamaadkii ciyaarta Raheem Sterling ayaa goolka shanaad iyo kan lixaad ee Man City ku sii bahdilay kooxda Watford waxayna Man City ku adkaatay 6-0.

Kooxda Manchester City ayaa taariikhd cusub u dhigtay kooxaha Ingiriiska kaddib markii ay ku wada guuleystay xilli ciyaareedkan saddexda koob ee FA Cup, Premier League iyo League Cup.

Waxa ay noqotay Man City kooxda kaliya ee hal xilli ciyaareed ku wada guuleysata saddexda koob ee laga dhigo gudaha Ingiriiska, ma jirto koox kale oo horay sidaa u sameysay.