Tarsan oo weeraray Wasaarada Caafimaadka

1608

Waxaa Maalmihii lasoo dhaafay Xumaaday xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya Iyadoo Kenya ay garoonka ka celisay masuuliyiin ka tirsan DF-Soomaaliya.

Waxaana Wasaaradda Caafimaadka Somalia oo ka jawaabaysa Arintaasi war ay soo saartay kaga dalbatay hay’adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi in aysan wax shirar ah oo Soomaaliya Khuseeya aysan ku qaban Kenya, halka ay soo jeediyeen in dalka gudihiisa lagu qabto ama wadamo ku haboon socdaalka oo si fudud lagu tagi karo.

Maalintii shalay waxa magaalada Nairobi ka qabsoomay shir ay ka qayb galeen masuuliyiin isugu jira heer federaal iyo maamul goboleed.

”Shirkani wuxu ahaa sanad guuradii UN- Habitat oo markii u horeysay lagu qabtay Afrika, waxa furay madaxweynaha dawlada Kenya Uhuru Kenyatta, Soomaaliya waxa laga casuumay Gudoomiyaal badan iyo wasiirka hawlaha guud iyo dibu dhiska, Gudoomiyaasha qaar ayaan iman iyo aniga oo ka socday saafarada, muhiimada ugu wayn ee looga hadlay waxay ahayd magaalaynta dadkii ka soo tagaya Miyiga” sidaa waxa BBC-da u sheegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxmuud Axmed Tarsan.

Mudo yar kadib markii laga hor istaagay masuuliyiin ka socda dawlada Soomaaliya in ay gudaha u galaan Dalka Kenya si ay uga qayb galaan kulamada shirarka lagu qabto ee Kenya, ayaa waxa shirkii u horeyey ka qayb galay wafti uu hogaaminay wasiirka Hawlaha Guud iyo Dibu dajinta dawlada Soomaaliya, mar aan wax aka waydiinay Tarsan war saxaafadeedkii wasaarada caafimaadka waxay u dhinac mareen wuxuu ku jawabay.

”Siyaasadda arimaha dibada dalka waxa hogaamiya wasaarada arimaha dibada,wasaarad kale oo laga wareysanayo wax ku saabsan arimaha dibada ma jirto,waxa ay soo saarto wasaarada arimaha dibada ayaa magaca dawlada ku hadlaya, mar aanu kulan jimcihii wasiiradda arimaha dibada Kenya Monica Juma waxay ii sheegtay in ay ka jawaabi doonaan war saxafadeedkii ay soo saaratay Soomaaliya.”

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sii xumaanayay tan iyo markii maxkamadda cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ la isla aadeen, taas oo uu ka dhashay muran dhanka xuduudda badda ah oo u dhexeeya labada waddan.

In kastoo Kenya ay shuruucdan ugu muuqato cadaadis la saarayo, haddana dowladda federaalka Soomaaliya waxay shaacisay in ay sii wadi doonto soo dhaweynta dadka u dhashay Kenya ee Soomaaliya safarada ku taga.