Galmudug oo shir degdeg ah isugu yeertay Maamul Goboleedyada

1759

Maamulka Galmudug ayaa isugu yeeray Madaxda Maamul Goboleedyada inay shir degdeg ah isugu yimaadaan, si looga hadlo xaalada dalka.

War ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ku fashilantay dhammaan waxyaabihii loo igmaday, waxaana lagu eedeeyay inay ku mashquulsan tahay burburinta Nidaamka Federaalka ee dalka ka jira.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay dowladda Federaalka inay Galmudug dagaal ku soo qaaday, isla markaana laga jaray dhaqaalihii iyo mashaariicdii horumarineed.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulanka uu ka dhici doono magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Beesha Caalamka loogu baaqay inay il gaar ah ku heyso xaalada Soomaaliya.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan magacaabida Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo dhowaan uu magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Bishii May ayay aheyd markii uu fashilmay Shirkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyadoo aanay wax natiijo ah ka soo bixin Shirkii Garowe ka dhacay.