Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Taliyaha Booliska oo isku dhacay

1606

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shaqadiisa u fasaxay taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir saacado kadib markii uu shaqada ka joojiyay taliyaha ciidamada Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse.

Gen Muxiyadiin ayaa shaqa-joojinta u cuskaday amar qaadasho la’aan uu sheegay in uu sameeyay G/sare Cabdixamiid Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal.

Balse madaxweyne ku xigeenka ayaa buriyay shaqa-joojinta waxaana taliyaha Booliiska lagu amray in uu mudda 24 saac gudaheeda ku soo galo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Labadda Masuul ayaa waxaa soo kala dhexgalay Khilaaf ka dhashay xilka qaadista iyo tilaabooyin uu qaaday taliyaha Ciidanka Booliska oo uusan kala tashan Madaxweyne ku xigeenka oo hadda kusime ka ah Puntland.