DAAWO :-Koryn Caare “Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waa in Maxkamad lasoo taago”

1690

Kornayl Saciid Cawil Jaamac [ Caare ] oo shir jaraad ku qabtay Magaalada Qardho ee fadhiga jabhada uu hogaamiyo ayaa ka hadlay dhawr arimood oo kala duwan, ugu horayn Caare jawaab adag ka bixiyay war kasoo baxay gudoomiyaha Gobolka Sanaag Tiimbaro kaas oo ahaa in Caare uu dhoofayo, Caare wuxuu sheegay in dalka uusan meelna uga socon.

” Hadii dibad wax yaalaan isagaan kasoo tahriibeen aniguna meel uma socdo, adiga gurigaaga waan aqaanaa. dhulka ha qalalo ” ayuu yiri Korne Caare.

Kornaly Caarre oo sii wata hadalkiisa wuxuu ka codsaday golaha guurtida iyo baarlaamanka ee Somaliland in ay xil ka qaadis ku sameeyaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiir Kaahin oo uu ku tilmaamey gacan ku dhiiglayaal, sidoo kale hay’adaha cadaalada ee dunida ayuu ugu baaqay in ay ku maxkamadeeyaan danbiyada ay galeen.

“Waxaan xal u arkaa in Biixi iyo Kaahin xilka laga qaado, aaway hay’ada caalamiga ah ee xuquuqda u dooda. ninmakaas gacan ku dhiiglayaasha ah hala soo taago maxkamad oo halagu qaado danbiyada ay galeen”. Ayuu yidhi Caare.

Dhinaca kale mar la waydiiyey hadii Madaxweyne Biixi iyo Kaahin ay ka codsadaan in miiska korkiisa ay kuwada hadlaan waxa uu ka qabo ” waxaan la hadlayaa marka 8dii qodob ee gacan libaax ay suurta geliyaan ” ayuu ku jawaabay Kornayl Caare.