Axmed Madoobe Oo Amar Culus Soo Saaray

1728

Amar kasoo baxay Maamulka Jubbaland ayaa ku socday dad la sheegay inay qal qal amni ku yihiin Nabad gelyada Jubbaland ka jirta.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud Ee Jubbaland ayaa la sheegay in aan laga yeeli doonin inay suurad xumeeyaan xasiloonida la heysto.

Axmed madoobe waxa uu amar ku bixiyey in aan la ogolaan doonin cid walbo oo loo arko inay culeys ku tahay nabad gelyada deegaanka.

Xeer ilaalinta waxay ka hor yimaadeen in la kiciyo Shacabka Jubbaland iyadoo dano gaar ah ay ku hor gudban yihiin.

Doorashada iyo Arimaheeda ayey ku lug leeyihiin Amarkaan iyo kuwo hore usoo baxay taasi oo laga diiday in xitaa baraha bulshada lagu weeraro Dawlad Gobolleedka Jubbaland oo dhaliilo loogu soo jeediyo.