Galmudug oo shirkadaha diyaaradaha ku amrtay in aysan kasoo dejin karin wafdi ka socda Dowlada Federaalka

1746

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu amray shirkadaha diyaaradaha inaysan keeni karin cid ka socota dowlada federalka deegaanada Galmudug.

Amarkan ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in tallaabadan loo qaaday iyadoo la fulinayo go’aan hore uu Maamulka Galmudug ugu joojiyay wadashaqeynta dowlada federalka.

Xiriirka Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sii xumaanaya iyadoo dhowaan amar ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha uu ku gacan seyrey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle.

Hoos ka Aqriso warka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug.