SAWIRO:-Ciidamo hubaysan oo la wareegay Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

1866

Wararka laga helayo Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in qaar ka mid ah Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Galmudug ay la wareegeen Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi Dhuusamareeb.

Saraakiisha Ciidamada ayaa ku wargeliyay Maamulka Garoonka in wax diyaarad ah aysan kasoo degi Karin gaar ahaan kuwa sida Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye oo diyaar sida ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Jawiga Magalada Dhuusamareeb ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxana arrintaan ay ka dambeysay,kadib markii Maanta War kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug Diyaaradaha ka Shaqeeya deegaanada Maamulkaas lagu amray in Garoomada aysan keeni Karin Madaxda Dowladda Federaalka.