Wasiir Sabriye oo la kulmay Sheekh Shaakir+SAWIRRO

1653

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

Kulankan ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen arrimo kala duwan kuwaasoo salka ku haya khilaafka ka dhex jira Maamulka Galmudug iyo Dowlada Federalka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulamada labada dhinac ay ajandayaasha loogaga hadlay ay qaar ka mid ah isku raaceen halka kuwa kalana loo ballamay in maanta laga hadlo.

Madaxweynaha galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaan weli la kulmin Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada federalka ayaa wararka waxa ay sheegayaan in uu jiro qorshe la doonayo in la isugu soo horfariisiyo labada dhinac ayna wadahadal yeeshaan.