Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Wasaaradda Caafimaadka ay u dhaqanto waxa uu ugu yeeray xaasidnimo.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in weligeed mas’uuliyadda Gobolka Banaadir uu lahaa caafimaadka aas aasiga iyo buugga caafimaadka.
“Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqan gelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay khilaaf ku saabsanaa habka bixinta Buugga Caafimaadka oo ay waday Waaxda Caafimaadka Gobolka Banaadir, iyadoo tallaabadan ay diidaneyd Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka.
Dhowr jeer oo hore waxaa jiray in Wasaaraddaha Xukuumadda Federaalka ee fadhigooda yahay Muqdisho in Maamulka Gobolka Banaadir ay isku qabteen adeegyo bulsho la qabanayay, iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku andacoonayay inuu xaq u leeyahay, halka Wasaaradaha oo meesha kaliya ka howl galaan ay Muqdisho tahay ay iyagana ku doonayeen inay fuliyaan adeegyadaas.