Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa bilaabay inay saxiixaan mooshino ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha baarlamaanka Cismaan Barre Maxamed oo haatan ku sugan magaalada Beledweyne.
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa kulamo kala gaar gaar ah waxa ay ku yeesheen magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.
Xildhibaanada Hirshabelle ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo Madaxweynaha Hirshabelle xil gudasho la’aan iyo ku takrifal awoodeed iyo inay jebiyeen qodobo dastuuri ah.
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka Hirshabelle Cabdi Xuseen Geedi ayaa u direy fariino xildhibaanada baarlamaanka inay isugu yimaadaan kulamo caadi ah.
Waxaana weli taagan khilaaf ka dhashay xiristii uu guddoomiyaha Baarlamaanka Cismaan Barre uu ku xirey kalfadhigii Baarlamaanka fariin uu u kala direy xildhibaanada Hirshabelle.
Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ayaa hore xilka uga qaaday madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble xilli uu ka maqnaa caasimada Hirshabelle ee Jowhar.