Wasiir qarafaan oo maanta kulaabanaya Dhuusamareeb

1838

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.
Advertisement

Wasiir Sabriye ayaa horay dhowr maalmood ugu sugnaa Magaalada Dhuusamareb, isaga oo qeyb weyn ka qaatay heshiiskii Madaxda Ahlusunna ee ku biiray Galmudug iyo Dowladda federaalka,isla markaana uu dadaal u galay xalinta dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Galmudug.

U jeedada wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee Magalada Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in la filayaa in Maalmaha soo socda lagu dhawaaqo Guddiga qabashada Shirka dib u heshiisiinta dadka reer Galmudug.

Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa saakay laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ,waxaana sidoo kale Magalada Dhuusamareeb ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre.