Ahlusuna oo xiratay Garoonka Dhuusamareeb

1658

Wararka ka imaanaya magalaada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa sheegaya in uu maantay xiran yahay Garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb isla markaana ay xalay ciidamo geeyeen Madaxda Ahlusuna.

Xiritaanka Garoonka ayaa yimid ka dib markii raysul wasaaraha Soomaaliya oo mudo bil ah ku sugnaa Dhuusamareeb uu dalbaday in ciidamo laga soo dajiyo Garoonka kuwaas oo ka imaanaya magaalada Muqdisho isla markaana xoojinaya Ciidanka Dowladdu u qorshaysay inay sugaan amaanka Caasimada Iyo doorashada Galmudug, waxaana arintaasi ka biyo diiday kooxda Ahlusuna oo wada hadalo kula jirtay wafdiga Raysul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Saraakiisha hogaaminaysa ciidamada la wareegey gacan ku haynta Garoonka ayaa sheegey inay joogi doonan ilaa inta amar uga imaanayo Madaxda ka saraysa oo amray in la xiro Garoonka si aysan uga soo dagin diyaarada wada Ciidamada uu dalbaday Raysul wasaare Kheyre.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegeya in ismaan dhaaf baahsini ka dhex jiro masuuliyiinta Dowladda Federalka Soomaaliya iyo kooxda Ahlusuna taas oo la xariirta hanaanka loo wajihi lahaa arimaha Galmudug iyo Doorashada Madaxtinimo saamiga iyo doorka ay ku yeelanayaan Kooxdaan oo fadhigeedu yahay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Khilaafkaan ayaa soo xoogaystay ka dib markii la wiiqay qaar ka mida awoodihii maamul ee Ahlusuna tan iyo markii uu yimid magaalada Dhuusamareeb Raysul wasaare Kheyre isla markaana uu la wareegey inta badan ciidankii kooxdaasi.

Ahlusuna ayaa dabayaaqadii bishii june heahiiskii Jabuuti uga baxday Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxayna la safteen dhinaca Dowladda ka dib khilaaf muddo sanad iyo bar ah soo jiitamayay, waxayna taasi sababtay in Madaxweyne Xaaf uu isna burburiyay jiritaanka Heshiiskii Jabuuti ka dib markii uu isaga soo baxay Magaalada Dhuusamareeb.