Musharaxiinta Jubbaland oo shuruudo kuxiray kaqaybgalka doorashada (Akhriso)

1852

Qaar kamid ah Mushataxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Wafdi ka socday Ururka IGAD ayaa shuruudo adag ku xiray in ay ka qeybgalaan doorashada la filayo in dhawaan ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Musharaxiintan ayaa sheegay in guddiga doorashada ee hada shaqeenaya aysan aheyn dhax dhaxaad una garbinayaan mid kamid ah Musharaxiinta, waxa ayna codsadeen in guddiga lakala diro lana magacaabo guddi cusub.

Halkan ka Akhriso Shuruudaha Musharaxiinta ku xireen ka qeyb galka doorashada

1 – In la bedelo guddiga haatan ee doorashooyinka kaasi oo “ku dhisan qaab sharci darro ah un adeegaya danaha madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Axmed Madoobe”.

2 – In lasoo magacaabo guddi doorasho oo cusub, sidda uu qabo dastuurka, kaasi oo aanan lahayn wax xad ah, isla markaana raacaya geedi u socodka daruuriga ah ee loo baahdo.

3 – In odayaasha “saxda ah” ay soo xulaan mudaneyaasha cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Jubbaland, maadaama ay shaki ka muujiyeen kuwa haatan.

4 – In kaliya hal murashax loosoo xulo baarlamaanka cusub, maadaama waqti xaadirkan uu maamulka soo rogay in saddex xubin ay soo xulaan odayaasha kadibna guddiga uu mid kala baxayo.

5 – In doorashada uu maamulo guddi baarlamaani ah

6 – In doorashadda lagu qabto goob dhex-dhexaad ah sidda xarunta Qaramada Midoobay

7 – In ciidamada AMISOM ay sugaan ammaanka goobta ay ka qabsoomeyso doorashadda xitaa amniga murashaxiinta

8 – In dowladda federaalka ay goobjoog ka noqoto doorashadda

9 – In korjoogto caalami ah ay kasoo muuqan madasha ay ka qabsoomeyso coddeynta

10 – In warbaahinta caalamka iyo tan maxaliga ah ay sidoo kale door ku yeeshaan tabinta

Qodobada ay miiska soo saaran murashaxiinta kasoo horjeeda Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya iyadda oo bisha August loo balansan yahay doorashadda ayna haatan socoto soo xulista Xildhibaanada cusub.

Sikastaba ha ahaatee, liiska rasmiga ah ee baarlamaanka labaad ee maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo 48-da saacadood ee soo aadan.

AQRISO BAYAANKA