Guddi labaad oo doorasho oo looga dhawaaqay Kismaayo

1491

Xubnaha la Magac baxay golaha musharixiinta badbaadada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shir ay Maanta ku yeesheen Magalada Kismaayo waxa ay ku dhawaaqeen guddi soo xulista Xildhibaannada Jubbaland.

Xubnahaan ayaa horay u qaadacay Guddiga doorashada Jubbaland ee uu Magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe, iyaga oo sheegay in guddigaas uu yahay mid u xaglinaya dhinaca Madaxweynaha Jubbaland.

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee musharixiinta Golaha badbaada Jubbaland ayaa ku dhawaaway Guddi doorasho oo ka kooban 11 Xubnood,kaas oo guddoomiye looga dhigay Axmed Aabi Aadan oo mar soo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Macaabista Guddiga iyo sababaha keenay.