Heshiiskii Paulo Dybala iyo Tottenham Oo Burburay

2112

Heshiiskii la filayay inay kooxda Tottenham kula wareegto weeraryahanka kooxda Juventus Paulo Dybala ayaa burburay sida ay shaacisay BBC Sport.

Tottenham ayaa wadahadal kula jirto xiddiga reer Argentina oo 25 sanno jir ah si ay heshiis shaqsi ah u la gaaraan, waxaana ay xitaa ogolaayeen inay bixiyaan lacagta dalaalka ah ee uu doonayay wakiilkiisa Jorge Antun.

Si kastaba sida uu sheegay wariyaha BBC David Ornstein Juventus ayaa ugu danbeyn go’aansatay inaysan iibinin 25 jirka weerarka ka ciyaara Paul Dybala taasoo burburisay rajadii Tottenham.

Tottenham ayaa labo maalmood ka hor waxa ay dalab 70 milyan euro ah ka gudbisay Dybala Juventus ayaana aqbashay dalabkaas laakiin sharuuda ku xirneyd ayaa aheyd inay heshiis shaqsi ah la gaaraan ciyaaryahanka.

Intii aanay Tottenham heshiis shaqsi ah la gaarin Dybala Juventus ayaa ka baxday heshiiska oo burburisay iyadoo la filayo in Dybala uu baaqi ku sii ahaado Allainz Stadium xilli ciyaareedkan.

Dybala ayaa hore u diiday inuu u wareego kooxda Manchester United kuwaasoo Juventus kala heshiiyay inay isku bedeshaan Dybala iyo Romelu Lukaku.

Laakiin xiddiga reer Argentina ayaa mushahar 350 kun ginni ah ka dalbaday kooxda Old Trafford halka wakiilkiisa uu isna dalbaday lacag dalaalnimo, taasoo keentay in Manchester United ay heshiiska ka baxdo.

Tottenham waxa ay weli raad joogtaa xiddiga khadka dhexe ee Real Betis Lo Celso iyo da’ yarka tayada fiican leh ee Fulham Ryan Sessegnon.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN