XOG;- Sababta Keentay In Ciidamada Dowladda Somaliya La geeyo Dhuusa Mareeb oo la Ogaaday.

1542

Ciidamada Maanta gaaray Magaalada dhusamareb Ee Caasimada dowlad Goboleedka Galmudug tiradoodu waa 108 askari oo military iyo police isugu jira ujeedkooduna waxey hordhac u yihiin Raisul wasaare kheyr oo maalinta bari ah gaari doona magaalada dhusamareb

ciidamadu waxey fariisimo ka sameysteen guriga Rasiul wazaare kheyr ka dagan yahay magaalada dhusamareb iyo xarunta gobalka oo ay dagan yihiin wasiiradda Arimaha gudaha iyo amniga islow iyo zabriye

Dhanka kale xaalada amni ee magaalada ayaa ah mid aad u dagan mana muuqato saansaan colaadeed iyo wax laxariira intaba

Maamulka iyo amaanka magaalada waxaa wali gacanta kuhaaya Maamulka degmada iyo talisyada police ka iyo nabad sugida oo ka amar qaata madax xukuumada dowlad gobaleed galmudug sh maxamed shaakir ali hassan, Marka laga reebo Airportka oo ay gacanta ku hayaan ciidamo isku dhaf oo ka kala tirsan Galmudug iyo dowlada federalka somalia.

Wixii Warar ah halkaan Kala socoda.