Dowladda Farmaajo iyo kheyre oo mukhtaar Roobow ku xirtay Xabsiga Madaxtooyada

1641

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo laga soo wareejiyay xabsigii Hay’ada Nabad sugida loona wareejiyay Xabsi Guri. (Guri ku yaala Madaxtooyada Soomaaliya ayaa loo wareejiyay).

Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa murashaxiintii u tartamaysay madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xabsiga loo taxaabay 13 bishii 12-aad ee 2018-kii xiligaasi oo lagu xidhay xabsi ku yaala nabad sugida kaasi oo uu ku xidhnaa mudo 9 bilood ah.

Roobow ayaa hore u soo noqday hogaamiye ku xigeenka iyo Af-hayeenka Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, waxaanu dawlada Federaalka isku soo dhiibay 2017-kii kadib markii laga saaray liiska dadka maraykanu madaxooda malaayiinta doolar dul dhigay.

Roobow lama soo taagin wax maxkamad ah tan iyo markii magaalada Baydhabo laga soo qabtay kal hore.

Balse Xabsi guriga hada loo soo wareejiyay ayaa u ogolaanaya in eheladiisa iyo siyaasiyiintuba soo booqdaan.