Wararkii ugu danbeyey Dhuusa Mareeb & Xaalada oo Maanta Dagan

1614

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhusa mareeb Ee Caasimada Galmudug ayaa sheegaya in saaka Xaladeeda ay dagan tahay .

Waxaana Weli Magaalada ku sii qul qulaya Ergada ka qeyb galeysa Shirka Dib uheshisinta Beelaha Galmudug.

Kaasi oo lagu waddo in maalmaha soo aadan uu halkaasi ka furmaayo.

Dhanka kale waxaa Gudaha Magaalada Dhuusa Mareeb ka soconaya Kulamo Gooni gooni ah Islamarkaana ay yeelanayaan Hogaamiyaasha Ahlusuna waxaana soconaya dhex dhaxadin laga dhex waddo Dowladda Iyo Ahlusuna.