Deg deg Kismaayo waxaa ka socoda Dibadbaxyo looga Soo Horjeedo Dowladda Somaliya.

1683

Dibadbax ballaaran oo ay dhigayaaan shacabka Jubbaland ayaa haatan ka soconaya guud ahaan magaalada Kismaayo,waxaana saaka xiran dhammaan dhaqdhaqaaqii ganacsiga magaalada.

Banaanbaxan ayaa looga soo horjeeda cunaqabataynta iyo xayiraadda diyaaradaha magaalada Kismaayo kaas oo ay dowladda Federaalka Soomalaiya ku soo rogtay deegaanada Jubbaland.

Kumannaan Shacab ah ayaa iskugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalada Kismaayo.