XOG:- Kulamo Xasaasi ah Oo Dhuusa Mareeb oga Soconaya Madaxweyne Farmaajo iyo Ahlusuna.

1755

Madaxweynaha Dowladda Fedetaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Magaalada Dhuusamareb kulan aan caadi aheyn kula qaatay hoggaanka Ahlusuna waljamaaca.

Madaxweyne Farmaajo iyo hoggaanka Ahlusuna ayaa waxaa ay ka wadahadleen arimo ay ka yimid yihiin doorashada galmudug, dalacsiinta ciidanka Ahlusuna iyo tirade xildhibaanada ay Ahlusuna ku doodayso.

Ilo wareedyada ayaa sheegay in kulanka inta uu socday loogu hadlay qodobo ay ka mid yihiin:-

1. In galmudug iyo dowladda ay si wadajir ah u magacaabaan guddiga doorashada Galmudug
2. In darajooyinka dhiman ee ciidanka Ahlusuna la dhameystiro.
3. Iyo in Ahlusuna la siiyo 30 xildhibaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Ahlsuna ku qanciyay in dowladda iyo galmudug ay si wadajir ah u magacaabi doonaan guddiga doorashada, halka labada qodob ee soo haray ay isku fahmi waayeen.

Hoggaanka Ahlusuna ayaa weli ku doodaya in qodobada waa weyn oo caqabad ku ah dowladda Fedraalka Soomaaliya, halka dowladana ay isku dayayso sidii ay u qancin laheyd Ahlusuna.

Lama oga go’aanka ugu dambeeya ee ka soo bixi doono dowladda Soomaaliya iyo Hoggaanka Ahlusuna, kaasi oo ku aadan qodobada qaar oo weli lagu murunsan yahay.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa la soo xiray Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug, iyadoona dhawaan ay bilaaban doonaan soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Cusub ee maamulka Galmudug.

Dhismaha Galmudug ayaa wajahaya culeysyo waaa weyn oo kaga imaanaya Hoggaanka Ahlusuna iyo dadka dega Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud.