Manchester United oo heshiiska u kordhisay Mason Greenwood

1606

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Mason Greenwood ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo naadiga ku sii hayn doona illaa bisha June sanadka 2023-ka.

18-sano jirkaan xulka qaranka England ee xiddigaha da’doodu ka hooseyso 21-jirrada kaasoo ka mid ah xiddigaha ka soo baxay akadeemiga kooxda Man United ayaa kulankiisii ugu horreeyey horyaalka Premier League waxa uu ku soo bilowday kulankii ay ka horjeedeen Cardiff kaasoo dhacay bishii May.

Heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah in labada dhinac ay dooq u haystaan inay ku daraan sanad kale oo dheeri ah haddii loo baahdo.

Greenwood ayaa yiri: “Markii aan ku soo barbaaray sidii taageere Manchester United ah, u ciyaarista kooxda koowaad waa riyo ii rumowday.”

“Waan ogahay taas, markii aan u ciyaarayo kooxdan, inaan metelo akadeemiyada oo dhan, waxaanan doonayaa inaan dib u bixiyo caqiidada ay tababareyaashayda i siiyeen oo aan ku soo bandhigo qaab ciyaareedkeyga ugu fiican gudaha garoonka.

“Waxaan had iyo jeer wax ka baranayaa macallinka iyo shaqaalaha tababarka waana ogahay in tani ay tahay kooxda ugu fiican ee iga caawin kara inaan gaaro awoodda aan leeyahay.”

Greenwood waa mid ka mid ah 12 xiddig oo ka soo baxay akadeemiyadda kooxda oo ka soo muuqday kulammada ay ciyaarayso xilli ciyaareedkan kooxda Man United ee uu hoggaamiyo macalinka Ole Gunnar Solskjaer.

Waxa uu Greenwood qalinka ku duugay heshiiskiisii ugu horreeyey ee xirfadlenimo ee kooxda Manchester United bishii October ee sanadkii hore 2018.