Tartanka Gooldhalinta Kulamada Is Reeb-Reebka Euro 2020, Halkee Ayuu Cristiano Ronaldo Kaga Jiraa?

1845

Kulamada is reeb-reebka Euro 2020 ayaa ku jira dhamaadkii iyo gaba-gabadii iyada oo xulalka qaarkood haatanba ciyaareen kulankoodii ugu dambeeyay halka qaar kalena ciyaari doonaan caawa ama habeen dambe.

Kulamada is reeb-reebka ayaa ahaa 8 kulan oo ay ciyaareen xulal kala duwan iyada oo haatan la ciyaari doono kulamadii ugu dambeeyay ee kulamada is reeb-reebka Tartanka Euro 2020.

Marka laga yimaado waxa jira tartan ay xiddigaha ka qayb galay is reeb-reebku ku jiraan iyada oo ay xiddigo badan dhaliyeen goolal intii uu socday kulamada is reeb-reebka.

Xiddiga Xulka qaranka England ee Harry Kane ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan is reeb-reebka tartanka Euro 2020 isaga oo dhaliyay 12 gool 8-dii kulan ee uu ciyaaray.

Xiddigaha Eran Zahavi oo u ciyaara xulka qaranka Israel iyo Cristiano Ronaldo oo u ciyaara xulka qaranka Portugal ayaa ku xiga iyaga oo dhaliyay 11 gool 8-dii kulan ee ay ciyaareen.

Hadaba Halkan Hose kaga bogo Liiska xiddigaha ugu golasha badan is reeb-reebka Euro 2020:

  1. Harry Kane (England) 12 Gool
  2. Eran Zahavi (Israel) 11
  3. Cristiano Ronaldo (Portugal) 11
  4. Aleksandar Mitrovic (Serbia) 10
  5. Artem Dzyuba (Russia) 9
  6. Teemu Pukki (Finland) 9
  7. Raheem Sterling (England) 8
  8. Romelu Lukaku (Belguim) 7
  9. Memphis Depay (Netherlands) 6
  10. Claudiu Keseru (Romania) 6
  11. Marko Arnautovic (Austria) 6
  12. Olivier Giroud (France) 6
  13. Eden Hazard (Belgium) 5
  14. Denis Cheryshev (Russia) 5
  15. Christian Eriksen (Denmark) 5
  16. Cenk Tosun (Turkey) 5
  17. John McGinn (Scotland) 5
  18. Georginio Wijnaldum (Netherlands) 5
  19. Robert Lewandowski (Poland) 5
  20. Serge Gnabry (Germany) 5
  21. George Puscas (Romania) 5
  22. Robin Quaison (Sweden) 5