Alan Shearer Oo Soo Doortay Shaxdiisa Ugu Fiican Premier League Ilaa Haatan Xilli Ciyaareedkan & Shaxdiisa Oo Muran Badan Dhalisay.

1707

Halyeeyga reer England ee Alan Shearer ayaa soo doortay shaxdiisa ugu fiican ilaa haatan xilli ciyaareedka horyaalka premier league isaga oo shaxdiisa u magacaabay 4 xiddig oo kooxda Liverpool ah.

Alan Shearer ayaan wax xiddigo ah ka soo dooran kooxaha Man United iyo Arsenal kuwaas oo ku jira xilli ciyaareed aad u liita inkasta oo ay haystaan xiddigo qaab ciyaareed fiican ku jira.

Kooxda Leicester City ayaa ah kooxda 2-aad ee xiddigaha ugu badan ku leh shaxda Alan Shearer iyaga oo ku leh 3 xiddig halka ay kooxda Man City kaliya ku leedahay hal xiddig.

Waxa goolka ku jira Goolhayaha kooxda Sheffield United ee Dean Henderson haatana Amaahda uga maqan kooxda Man United isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Daafaca ayaa kala ah John Egan oo u ciyaara Sheffield xiddigaha Trent Alexander-Arnold Iyo Andy Robertson oo labada garab ee daafaca ka ciyaaraya iyo xiddiga kooxda Leicester City ee Caglar Soyuncu kaas oo dhamaystiray daafaca dhexe.

Khadka dhexe waxa uu u soo xushay xiddigaha Fabinho, Maddison, De Bruyne iyo Sadio Mane Halka ay weerarka hogaaminayaan xiddigaha Abraham iyo Vardy.

Waxa la yaab ah in xiddigaha Sergio Aguero, Raheem Sterling, Virgil Van iyo xiddigo kale oo qaab ciyaareed fiican uu ka reebo shaxdiisa.