Jorginho Oo Qiimeeyay Fursada Ay Chelsea Kooxda Liverpool Ugu Garaaci Karto Horyaalka Premier League

1843

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee Jorginho ayaa sheegay in ayna Chelsea ka fikirayn ku tartamista horyaalka premier League inkasta oo ay kaalinta 2-aad kaga jiraan kala saraynta horyaalka.

Liverpool ayaa 8 dhibcood ka saraysa kooxaha Chelsea iyo Leicester City oo isku dhibco ah kuwaas oo ah kooxaha ugu dhaw hogaamiyayaasha horyaaalka premier League.

Xiddigaha da,yarka ah ee chelsea ayaa loo saadaaliyay in ay xilli ciyaareedkan si lama filaan ah ugu tartamaan horyaalka Laakiin Jorginho ayaa sheegay in ay Blues kaliya diirada saarayso u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.

“Waxa ugu horeeya ee aan u baahanahay ayaa ah in aan ka fikirno 4-ta boos ee ugu sareeya”ayuu Jorginho u sheegay VBET News.

“In Aanu badino kulan kasta, waxa aan taas ogu baahanahay in aan ku xoojino rajadeena”.

“Waxa aan haatan qabanaynaa shaqo fiican waxana aan doonaynaa in aanu sii wadno shaqadaas”