XOG: Imisa Koob Ayuu Jose Mourinho Ku Guulaystay Tan Ilaa Markii Ay Tottenham Koobkeedii Ugu Dambeeyay Ku Guulaystay 2008

1872

Tababare Jose Mourinho ayaa ku soo laabtay markii 3-aad ka shaqaynta horyaalka premier League isaga oo tababare u noqday kooxda Tottenham oo uu shaqada ka badalay tababaraha Mauricio Pochettino.

Shaqada Jose Mourinho ayaa shaki la,aan ah in uu Spurs kula guulaysto koob xilli ayna kooxdu muddo aad u dheer wax koob ah ku guulaysan sanadihii ugu dambeeyay.

Markii ugu dambaysay ee ay Tottenham ku guulaysato koob ayaa ahayd sanadkii 2008 markaas oo ay Tottenham ku guulaystay koobka League Cup-ka ee dalka England.

Laakiin tababaraha reer Portugal ayaa dhex dabaalanayay kobab waliba ku guulaystay tan ilaa markii ay Spurs ku guulaystay koobkeedii ugu dambeeyay.

Tan ilaa 2008 Jose Mourinho ayaa soo hogaamiyay kooxo badan oo England iyo yurub ah kuwaas oo kala ah chelsea, Man United, Real Madrid iyo Inter Milan dhamaantoodna koobab kula guulaystay.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo koobabkii uu Jose Mourinho ku guulaystay tan ilaa markii ay Tottenham ku guulaystay koobkeedii ugu dambeeyay ee 2008.

4 League titles (🇮🇹 x 2, 🇪🇸, 🏴󠁧󠁢󠁥󠁮󠁧󠁿)
1 Champions League
1 Europa League
2 primary domestic cups (🇮🇹, 🇪🇸)
2 English League Cups