La Ogaaday: Real Madrid Oo Iska Diiday In Ay Xor Ku Hesho Xiddig U Ciyaara Chelsea & Sababta Oo La Ogaaday

1712

Xiddiga Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay iska diiday saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Willian sida ay sheegayaan wararku.

Blues ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay wadahadalo la furto xiddiga Willian si ay heshiis cusub uga saxiixdaan xiddiga reer Brazil.

Laakiin 31 Jirkan ayaa si xor ah uga tagi doona kooxda chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda uu hogaamiyo Frank Lampard.

Willian ayaa xagaaga 2020 isaga tagi doona kooxda chelsea iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Barcelona kuwaas oo ilaa xagaagii hore doonayay saxiixiisa.

Wargayska Defensa Central ayaa sheegaya in uu wakiilka xiddigu u soo bandhigay saxiixiisa kooxda Real Madrid laakiin kooxda taababre Zidane ayaa iska diiday in ay 31 jirka si xor ah ku hesho.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ayna Los Blancos suuqa ugu jirin saxiixa xiddig garabka ka ciyaara sabab la xidhiidha in ay haystaan Xiddigaha Vinicius Junior & Rodrygo Goes.