Falanqayn: Chelsea Waa In Ay Iska Xoojiso 4-tan Boos Hadii Ay Doonayaan In Ay Liverpool & Man City Kula Tartanto Horyaalka Premier League

1729

Kooxda Frank Lampard ayaa ku jira kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League kadib guuldaradii ay kala kulmeen kooxda Man City kulan ka dhacay Etihad kana tirsanaa todobaadkii 13-aad ee horyaalka premier League.

Kadib guuldaradii Blues ka soo gaadhay kooxda difaacanaysa wargayska The Sun ayaa sheegay in ay Blues tahay in ay iska saxdo hadii ay doonayso in ay Liverpool & Man City kula tartanto horyaalka premier League.

1.Daafaca Bidix:

Chelsea ayay u badantahay in ay waayi doonto xiddiga Marcos Alonso, marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga maadama uuna doonayn in uuna Emerson kaydka u fadhiyo inkasta oo uuna ku jirin qaab ciyaareed fiican oo uu si joogto ah ugu ciyaaro chelsea.

Sidaas darteed Lampard ayay tahay in uu suuqa ka keeno xiddig leh tayo fiican oo Emerson kula tartama booska daafaca Bidix ee kooxda maadama ay arintaas labada xiddigba ka caawinayso in ay soo bandhigaan qaab ciyaareed fiican.

2.Weeraryahan:

Lampard ayaa u baahan in uu qaato go’aanka hore oo kale marka laga hadlayo booskan.

Kooxda chelsea ayaa u baahan in ay keento weeraryahan fiican oo xiddiga qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Tammy Abraham kula tartama booska gaar ahaan kulamada uuna xiddigu ku jirin qaab ciyaareedka fiican sidii kulankii Man City oo kale.

Olivier Giroud ayaa si weyn loo filayaa in uu isaga caraabo kooxda marka la gaadho suuqa January si la mid ah Michy Batshuayi ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda.

3.Xiddig Garabka Ah:

Booskan ayaa ah mid ka mid ah booskasa ugu muhiimsan ee kooxdu u baahantahay in ay lacag weyn galiso si ay isaga xoojiso.

Xiddigaha Pedro iyo Willian ayaa labadooduba ku jira wakhtigii ugu dambeeyay ee xirfadoosa ciyaareed halka ay sidoo kale labadooduba si xor ah uga tagi karo kooxda.

Taas ayaa la macno ah in ay xiddigaha Callum Hudson-Odoi & Christian Pulisic yihiin kaliya labada xiddig garabka ka ciyaara waxana ay u baahantahay in ay kooxdu keno laba xiddig oo kale oo booskaas ah.

4.Daafaca dhexe:

Booskan ayaa laga yaabaa in uu yahay midka ugu muranka badan laakiin waxa ay aad ugu xidhantahay dhaawacyada iyo waliba niyada xiddigaha aan sida joogtada ah loo dooran.

Waxa aan ognahay in uuna Lampard doonayn xiddig aan doonayn in uu kooxda ku soo biiro ama sii joogo sidii David Luiz oo kale hadii uu xiddigu muujiyo calamaad muujinaysa in aanad doonayn in aad sii joogto kooxda waad iska baxaysaa.

Sidaas darteed waxa haatan loo baqayaa xiddigaha Andreas Christensen & Antonio Rudiger kuwaas oo u muuqda kuwo aan ku faraxsanayn kooxda chelsea laakiin Lampard ayaa u baahan xiddig daafaca dhexe ah oo leh tayo uu kooxda ug caawiyo in ay kooxdu u tartanto horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: Dhibaatooyinka Ay Wajahaan Lamaanayaashu & Sida Ay U Xalin Karaan