Gudoomiyaha Golaha wakiilada Soomaliland U Hanjabay Wadani Iyo Ucid

1647

Gudoomiyaha Golaha Barlamaanka Soomaliland Mudane Baashe oo waramayay qaar ka mid warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in muddo laba sanno ah lagu kordhiyo golaha uu gudoomiyaha u yahay,waxana uu tilmaamay inuu duruufi ay keentay in mar kale loo kordhiyo Golaha barlamaanka.

Gudoomiye Baashe ayaa ayaa ku hanjabay in ay maxkamada la tiigsan donaan siyaayinta xisbiyayadda mucaradka ee yidhaahda kalmada barlamaanku waxay ku fadhiyaan xaraan waxana uu xusay inay ku fadhiyaan nidaam dastuuriya,kuna fadhiyayaan kuraasta ilaa barlamaan kale badalo waxana ka mid ahaa hadaladda gudoomiyaha “Waxa weeyaan annagu qofna noo kordhiya manaan odhan,kordhisna duruufo ayaa keenay annagu diyaar ayaanu nahay in marka doorasho timaaado inaan banayno kuraasta, muudo badan ayaanu joognay waxaan uga tigayna xisbiyadda mucaradkaa iyo dadka masuuliyinta uma dulqaadan karno inay golaha yidhaahdaan waa xaaran,gole ma jiro, golahani waa jirayaa ilaa gole kale badalayo. “Ayuu Yidhi Gudoomiye Baashe.

Gudoomiyaha Barlamaanka Oo Hadalka Sii Wataa Ayaa Yidhi”in badan waxaan u dulqaadanay labada xisbi ee mucaradkaa,hadh iyo habeen waxay yidhaahdaan golaha waa xaraan,golahuna waxa uu ka fadhiyaa dastuuri, waxii hada ka danbeeyana qofkii yidhaahd,golaha wakiilada waa xaraan mana jiraanna,waxa weeyi dastuurki wuu dhigo maxkamada ayaanu u gudbinaynaa,annagu haya’addanaha u gudbin mayno ee maxkamadaha ayaan u gudbinayna iyagu haya’adaha ayay u gudbiyay inuu golahu ku fadhiyo xaraan annagu maxkamada ayaanu u gudbinaynaa.”Ayuu Yidhi Gudoomiye Baashe.