Pepe Guardiola Oo Haatanba Sheegay Tababaraha Shaqada Ka Badali Doona Unai Emery Hadii Ay Arsenal Caydhiso

1695

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa diiday in uu meesha ka saaro in uu Mikel Arteta shaqada tababaranimo ee Arsenal ka badali karo Unai Emery.

Mikel Arteta ayaa ah caawiyaha tababare Pep Guardiola ee Man City waxana uu City kula guulaystay 2 premier League oo xidhiidh ah.

Arteta oo u soo ciyaaray Arsenal intii u dhexaysay 2011 ilaa 2016 ayaa lala xidhiidhinayay shaqada tabaabranimo ee Arsenal kadib markii uu Arsene Wenger isaga tagay kooxda.

Laakiin Maamulka Arsenal ayaa go’aansaday in ay ku badalaan tababaraha reer Spain ee Unai Emery.

Sanad kadib Emery ayaa ku dhibaatoonaya kooxda Arsenal iyada oo ayna Arsenal wax guul ah gaadhin 6-dii kulan ee ugu dambeeyay hoeyaalka premier League.

Guardiola ayaa wax laga waydiiyay in in uu Arteta ku biiri karo Emirates hadii shaqada laga caydhiyo Emery waxana uu ku jawaabay”Dabcan haa, waxa uu noqon karaa tababarohooda, waxa aan jecelahay in uu nala joogo muddo dheer laakiin hadii uu isagu doorto wuu noqon karaa”ayuu yidhi.