WARBIXIN: Sidee Ayay Liverpool Kooxda Man United Uga Caawisay In Ay Qaab Ciyaareed Fiican Soo Bandhigto

1628

Kooxda Man United ayaa u muuqata kuwo dib ugu soo laabanaya qaab ciyaareedkoodii fiicnaa inkasta oo ayna heli natiijooyin fiicna qaar ka mid ah kulamadii ugu dambeeyay.

Laakiin waxa aan odhan karnaa in ay kooxda Liverpool si weyn u caawisay kooxda Man United marka laga hadlayo natiijooyinka ay heshay kulamadii ka dambeeyay kulankii Liverpool.

Red Devils ayaa bar-baro 1/1 ah ku qabatay kooxda Liverpool ee hogaamiyayaasha ah waxana ay wixii kulankaas ka dambeeyay soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican iyaga oo helay natiijooyin ka fiican kuwii ay heshay kulamadii ka horeeyay ka hor intii ayna La ciyaarin Liverpool.

“Kuma faraxsanayn qaabkii aan u ciyaaraynay kulamada laakiin kulankii aan bar-baraha la galnay Liverpool ayaa u muuqda mid noqon doona mid dhanka kale u roga xilli ciyaareedkeena waliba aan helno natiijooyin iyo guulo fiican” waxa sidaas yidhi xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Fred kadib kulankii Liverpool.

Shaki la,aan waxa dhab noqday hadalkii xiddiga reer Brazil waxana ay Red Devils wixii ka dambeeyay kulankii Liverpool soo bandhigtay qaab ciyaareed iyo waliba natiijooyin ka fiican kuwii hore.

Waxana cadayn u ah xogtan hoos ku xusan:

Ka hor kulankii Liverpool

kooxda Man United ayaa tartamada oo dhan ciyaartay 11 kulan waxana ay badiyeen kaliya 4 kulan oo kala ah 2 premier League ah oo ay ka kala badiyeen Chelsea iyo Leicester City Hal Kulan oo Europa League ah oo ay ka badiyeen Kooxda Astana iyo hal kulan oo ay rikoodhayaal kaga badiyeen kooxda Rochdale kulan Carabao Cup-ka ahaa, 4 bar-baro oo ay la galeen kooxaha Southampton, Wolves, Arsenal oo premier League ah iyo Hal kulan oo ay bar-baro la galeen kooxda Az Alkmaar kulan Europa League ah ugu dambayn United ayaa laga badiyay 3 kulan Premier League ah oo kala ah West Ham, Newcastle iyo Crstal Palace..

Sidoo kale kooxda Man United ayaa ku jirtay kaalinta 14-aad ee kala saraynta horyaalka premier League ka hor intii ayna la ciyaarin Liverpool.

Dib Kulankii Liverpool:

Kadib kulankii kooxda Liverpool kooxda Man United ayaa ciyaartay 7 kulan tartamada oo dhan waxana ay badiyeen 4 kulan oo kala ah Norwich (Premier League), Chelsea (Carabao Cup) Partizan (Europa League oo laba kulan ah) Iyo Brighton (Premier League), waxa laga badiyay hal kulan kaas oo ah premier League oo ay guuldaro kala kulmeen Brounemouth iyo Sheffield United oo ay bar-baro la galeen horyaalka premier League.