Xiddigaha Ugu Goolasha Badan 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Sanadka 2019

1681

Karim Benzema ayaa dhaliyay 25 gool ilaa haatan sanadka 2019 waxana uu noqday xiddiga 3-aad ee ugu goolasha badan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub.

Karim ayaa kaliya ka dambeeya xiddigaha Lionel Messi Iyo Robert Lewandowski kuwaas oo ah xiddigaha ugu goolasha badan sanadka 2019.

Xiddiga reer Argentine ayaa dhaliyay 29 gool halka uu weeraryahanka kooxda Bayern Munich dhaliyay 28 gool taas oo la macno ah in uu Karim Benzema ka dambeeyo labada xiddig 4 iyo 5 gool.

Dhanka kale xiddiga reer France ee Kylain Mbappe ayaa dhaliyay 25 gool isaga oo la goolal ah xiddiga ay isku dalka yihiin ee Benzema xilli uu isha ku hayo in uu sii dheeraysto gool dhalinta.

Karim Benzema ayaa u muuqda mid gaadhi kara 2-da xiddig ee ka horeeya marka loo eego qaab ciyaareedkiisa kaas oo uu 10 gool ku dhaliyay haatanba horyaalka la Liga.