Kooxda Arsenal ayaa si xun ku bilaabatay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo aan wax guul ah gaadhin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier League.
Taageerayaasha Arsenal ayaa xitaa bilaabay in ay dalbadaan in tababare Emery laga caydhiyo shaqada iyaga oo ku oriyay tababaraha kadib bar-barihii ay Arsenal la gashay kooxda Southampton.
Kadib natiijooyinka xun ee kooxda maamulka Gunners ayaa Aqoonsanaya in ay fiicantahay firkada ah in ay shaqada ka caydhiyaan tababaraha laakiin ay wal-wal ku hayso lacagta ay siin doonaan tababaraha hadii ay shaqada ka caydhiyaan.
Wargayska Express ayaa sheegaya in ay Arsenal ku qasbanaan doonto in ay bixiso lacag 4 milyan ah oo guno ah hadii ay shaqada ka caydhiyaan tababaraha reer Spain.
Tababare Emery ayaa sanadkii ka qaata kooxda Arsenal lacag dhan 6 milyan oo euro waxana ay ku qasbanaan doonaan in ay bixiyaan lacag dhan 4 milyan oo euro hadii ay haatan go,aansadaan in ay shaqada ka caydhiyaan tababarka.
Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 8-aad ee kala saraynta horyaalka premier League kadib markii ay kaliya badiyeen 4 kulan oo ka mid ah 13 kulan oo ay ciyaartay horyaalka iyaga oo laga badiyay 3 kulan 6 kalena bar-baro galay.