4 Xiddig Oo Uu Zidane Ku Buuxin Doono Booska Eden Hazard Inta Uu Dhaawaca Ku Maqanyahay.

1897

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa wajahaya shaqo adag oo uu ku helayo badalka Xiddiga Eden Hazard kaas oo dhaawac kaga maqnaan doono kooxdiisa wakhtiga soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in uu Eden Hazard garoomada ka maqnaan doono muddo 10 ilaa 15 maalmood ah kadib dhaawacii ka soo gaadhay kulankii kooxda PSG ee champions League.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa kashifay 4 dookh ama xiddig oo uu tababare Zidane ku buuxin karo booska Zidane inta uu Hazard ka maqan yahay garoomada.

1.Gareth Bale: Badalkiisa Tooska ah:

Shaki la,aan xiddiga reer Wales ayaa ah xiddiga ugu cad-cad uguna dhaw in uu noqdo badalka Eden Hazard isaga oo kooxda ka caawin kara dhanka weerarka hadii ay tahay caawin dhanka gool dhalinta ama caawinta waana xiddigii badalay Hazard kadib markii uu Xiddigu dhaawaca ku jiray.

2.Isco: Badalka Shaxda:

Waxa aan aragnay saamayntii uu Isco ku yeeshay kooxda Real Madrid kulankii PSG isaga oo ka daba ciyaarayay Benzema isaga oo kooxdiisa ku soo kordhiyay weerar badan dhanka weerarka.

3.Rodrygo:

Zidane ayaa Rodrygo ka ciyaarsiin kara garabka Midig isaga oo fursad siin kara da,yarka kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa haatan markii uu helay fursad uu ku ciyaaro kulamada kooxda

4.Vinícius Júnior: Dookha Ugu Dambeeyay:

Inkasta oo uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore hadana xiddiga reer Brazil ayaa la waayay xilli ciyaareedkan isaga oo aan ka qayb ahayn qorshaha tababare Zidane laakiin waxa uu kooxda ka caawin karaa in ay ilowdo Hazard inta uu ka dhaawacan yahay kooxda.