Wargayska AS ayaa sheegay wakhtiga uu xiddiga Ousmane Dembélé garoomada ka maqnaan doono kadib dhaawacii ka soo gaadhay xiddiga reer France kulankii ay Barcelona guusha ka gaadhay Borussia Dortmun.
Xiddiga Ousmane Dembélé ayaa dhaawac uga baxay ciyaarta daqiiqadii 26-aad kadib markii uu ku dhawaacmay ciyarta isaga oo ka baxay ciyaarta isaga ooyaya Isaga oo lagu badalay Griezmann.
Wargayska AS ayaa sheegaya in ay dhakhaatiirta kooxdu Ousmane Dembélé u sheegeen in uuna mar kale u ciyaarin doonin kooxda inta ka dhiman sanadkan lagu jiro ee 2019.
Taas ayaa la macno ah in uu xiddiga reer France seegi doono kulanka Atletico Madrid ee Todobaadka dambe iyo kulanka El Clasico ee 18 bisha December.