Zlatan Ibrahimović Oo U Gacan Haatiyay Kooxda Uu Ku Biirayo January , Ingiriiska Mise Italy ?

1724

Weeraryahanka kooxda LA Galaxy ee Zlatan Ibrahimović ayaa ka hadlay wararka sida weyn ula xaririnaya in uu mar kale dib ugu laaban doono AC Milan marka suuqa uu furmo dhawaan .

Italia Football ayuu Zlatan Ibrahimović ka yiri ” Milan ma aha magaaladeyda labaad ee waa gurigeygii labaad xasuus badan ayayan AC Milan igu leedahay”.

” Haddii aan helo mashruuc ee qalma waxaan awoodaa in aan ciyaaro illaa da`da 50-ka sano” ayuu sii raaciyay Zlatan Ibrahimović

” Waqtigeyga LA Galaxy waa dhamaaday , hishiiskeygana December ayuu ku siman yahay , waan dhageysanayaa dalabyada aan haysto”

Zlatan Ibrahimović ayaa si wen loola xarriinayaa AC , Tottenham iyo xittaa United waxa ayna u badan tahay in uu aadi doono kooxda reer Italy