Hordhac: Liverpool Oo Isha Ku Haysa In Ay Bar-Barayso Rikoodh Ay 31 Sano Ka Hor Dhigtay

1750

Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Brighton kulan ka tirsan horyaalka premier League kulan ka dhici doona Anfield kana tirsan todobaadkii 14-aad ee horyaalka.

Kooxda Liverpool aya doonaysa in ay sii wadato guulaha xidhiidhka ah ee horyaalka premier League iyo waliba rikoodhkeeda guuldaro la,aanta ah ee xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale kooxda Brighton ayaa doonaysa in ay noqoto kooxdii ugu horaysay ee garaacda kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Liverpool Vs Brighton

Tartanka: Premier League

Wakhiga: 6:00 Galabimo

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaa badisay dhamaan 7-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay tartamada oo dhan ka hor tagtay Brigton waxana ay dhalisay 22 gool iyaga oo laga dhaliyay 5 gool oo kaliya.

Brighton ayaa guuldaro la kulantay 8 ka mid ah 10-kii kulan ee ay Liverpool kula ciyaartay garoonka Anfield iyada guuldaradii ugu dambaysay ee ay Brighton ka gaadhay Liverpool dhacday 1982-kii.

Liverpool ayaa guuldaro la,aan ah 30 kulan oo premier League ah 25 way badiyeen 5 kulan bar-baro ayay galeen hadii ay ka badbaadaan guuldaro kulankan waxa ay bar-barayn doonaan rikoodhkoodii ugu fiicnaa ee guuldaro la,aanta kaas oo ahaa 31 gool kaas oo ay dhigeen intii u dhexaysay 1987 ilaa 1988.

Liverpool ayaa badisay 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ay ku ciyaartay garoonkeeda Anfield waana rikoodhkii ugu badnaa taariikhda tartanka.