Dhageyso:-Xildhibaan Xidig”marna kama laabandoono mowqifkayga”

1683

Xildhibaan Cbdi Rashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo golaha isbedel-doonka Jubbaland ayaa Maanta sheegay in aysan jirin wax iska bedelayowqofkooda ku aadanin Jubbaland aysan ka dhicin wax doorasho ah,isla markaana ay doonayaan in la qabto doorasho xalaal ah.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa warar soo baxayay waxaa ay sheegayaan in Xubnaha isbedel-doonka Jubbaland ey heshiis la galeen Axmed Madoobe,kadib markii C/Naasir seer oo kamid ah xubnahaas uu gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu ula kulmo Axmed Madoobe oo halkaasi ku sugan.

Xildhibaan Xidig waxaa uu sheegay in marnaba aysan wax wada-hadal ah kala galeyn in dadka Reer Jubbaland iyaga ay doortaan cidii ay doonaan taas mowqifkoodana uu yahay mid acad.

“isbedel-doonla ma ahan madax doon cid kastana waxaa laga rabaa inay micnaha ogaadaan,waxaana rabaa in Jubbaland ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah,waxana iga go’an in dadka Reer Jubbaland ay doortaan qofkii ay rabaan ayuu yiri”Xildhibaan Xidig.