Juventus Oo Bar-Baro Gashay & Inter Milan Oo Hogaanka Serie A-da Kala Wareegtay

1862

Kooxda Juventus ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Sassuolo kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A-da taas oo Inter Milan ka caawisay in ay hogaanka horyaalka kala wareegto.

Juventus ayaa bar-baro 2/2 ah la gashay kooxda Sassuolo kulan ay goolasha Juventus dhaliyeen daafaca Leonardo Bonucci Iyo Cristiano Ronaldo kaas oo rikoodhe u dhaliyay kooxdiisa.

Dhanka kale Kooxda Inter Milan ayaa 2/1 ku garaacday kooxda SPAL Kulan ay si Rasmi ah hogaanka ugala wareegtay kooxda Juventus kadib bar-barihii ay gashay.

Inter Milan ayaa labada gool uga mahad celinaysa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Lautaro Martinez kaas oo 2 jeer shabaqa soo taabtay.

Guushaas ayaa Inter Milan ka caawisay in ay hal dhibic ku qabtaan hogaanka horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Kooxda Inter Milan ayaa leh 37 dhibcood iyaga oo ka horeeya kooxda Juventus oo leh 36 dhibcood oo horyaalka Serie A-da ah.