Dib U Eegid: Arsenal Oo Boodhka Ka Jafatay Rikoodh Xun Oo Ay Dhigtay 1994-kii

1839

Inkasta oo ay shaqada ka caydhiyeen Tababare Unai Emery hadana Arsenal ayaa wali dhibaatoonaysa kadib bar-barihii ay la galeen kooxda Norwich City kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

2-da gool ee Arsenal ayuu dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo kooxdiisa 2-da jeerba ka badbaadiyay guuldaro maadama labada goolba looga hor maray kooxdiisa.

Gunners ayaa mar kale ku fashilantay in ay guul ka gaadho horyaalka Premier League iyaga oo bar-baro la galay kooxda kaalmaha hoose ku jirta ee Norwich City.

Kadib bar-barahaas kooxda Arsenal ayaa boodhka ka jafatay rikoodh xun oo ay 1994 ka dhigtay horyaalka premier League kaas oo ah in ay wax guul ah gaadhi wayday Premie league markii ugu horaysay tan ilaa 1994 markaas oo uu hogaaminayay tababare George Graham.