YAAB : Wixii Uu Cristiano Ronaldo Sameeyay Ka Hor Intii Uuna Ku Guulaysan Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Serie A-da Oo La Kashifay

1873

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu Baabuurkiisa ku jira ilaa intii lagu dhawaaqayay in uu isagu ku guulaystay abaalmarinta xiddiga fiican horyaalka Serie A-da ee Gala del Calcio ee xalay.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in xaflada Abaalmarinaha Serie A-da la qabtay isla wakhtigii xalay qabanayay abaalmarinta Ballon d’Or-ka.

Laakiin Cristiano ayaa iska diiday Xaflada Ballon d’Or-ka isaga oo ka qayb galay midii Serie A-da laakiin xiddiga ayaa ka yaabsaday ka soo qayb galayaashii xaflada kadib markii uu wakhti dambe soo galay.

Saxafiga reer Italy ee Tancredi Palmeri oo joogay xaflada ayaa bogiiisa Twitter-ka ku soo qoray”Waxa aan La Rumaysan karin”.

“Cristiano Ronaldo ayaa Baabuurkiisa ku sugay ilaa intii lagu dhawaaqayay in uu Isagu ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican Serie A-da ee MVP”.

“Kadib markii lagu dhawaaqay Magaciisa ayuu soo galay xaflada iyada oo Ilaaliyayaashiisu diideen in sawiro laga qaado”.