Man United Vs Tottenham: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Ka Hor Kulanka Old Trafford

1942

Kooxaha Man United iyo Tottenham ayaa isaga hor iman doona kulan adag xilli uu Jose Mourinho 12 bilood kadib markii ugu horaysay ku soo laaban doono garoonka Old Trafford.

Tan ilaa markii loo dhiibay xilka kooxda Tottenham tababare Jose Mourinho ayaa kooxda ku hogaamiyay 3 guulood oo tartamada oo dhan ah hal champions league iyo 2 premier League.

Labada Natiijo ee premier League ayaa Spurs ka caawiyay in ay kaalinta 5-aad ka soo galaan premier League iyaga oo haatan 2 dhibcood ka Horeeya kooxda Man United.

Dhanka kale Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa iska lumiyay dhibco kadib labadii bar-baro ee ay la galeen kooxaha Sheffield United & Aston Villa.

Labada Kooxood ayaa kulanka u soo galay kaliya sidii ay u heli lahaayeen 3-da dhibcood oo aan labada kooxood u qaybsamin.

Hadaba wargayska Sports Mole ayaa soo xushay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda iyaga  oo soo xushay kaliya xiddigaha taamka u ah kulanka.

Kooxda Man United ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 6 xiddig halka ay Tottenham dhankeeda ku leedahay shan xiddig.

Combined XI: MNU vs. TOT