Kadib Abaalmarintii Ballon d’Or-ka.. Lionel Messi Oo Ku Guulaystay Abaalmarin Kale Oo Taariikhi Ah

1894

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaalmarin kale kadib markii uu Isniintii ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or 2019.

Xiddiga reer Argentine ayaa markii 6-aad ee taariikhda ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or ee ay bixiso majalada France Football.

Laakiin Kabtan Leo ayaan halkaas ku joogsan waxana uu salaasadii shalay ku guulaystay abaalmarin kalr oo ah xiddiga ugu goolasha badan taariikhda horyaalka La Liga ee ay bixiso wargayska AS.

Lionel Messi ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan horyaalka La Liga isaga oo dhaliyay 428 gool isaga oo sidaas ku noqday Gool dhaliyaha Taariikhiga ah ee horyaalka la Liga.

Xaflada ayaa lagu qabtay caasimada Madrid ee dalka Spain waxana uu Messi yidhi”Waan ku faraxsanahay in aan helay Abaalmarinta waan u mahad celinayaa dadka qaban qaabiyay Abaalmarinta”.