Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in shaqadii laga joojiyay Taliyihii Qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Muumin Cabdi Shire.
Taliyaha qeybta booliiska gobolka Nugaal ayaa la sheegay in mudooyinkan khilaaf la xalin waayay kala dhaxeeyay Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska maamulka Puntland Sareeyo Gaas Muxudiin Axmed Muuse.
Qoraal kasoo baxay Sareeyo Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa shaqada looga joojiyay taliyaha qeybta booliiska ee gobolka Nugaal, waxaana shaqo joojinta lala socod siiyay Madaxweynaha Puntland.
Taliyaasha ciidamada maamulka Puntland ayaa marar badan waxaa soo kala dhax galay khilaaf dib u dhac u keenay shaqada ciidanka, waxa ayna keentay in saraakiisha qaar khilaafaadkaasi xilalkooda ku waayaan.