Hordhac: Gunners Oo Raadinaysa Guul Lagama-Maarmaan Ah

2251

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Brighton kulan ka tirsan todobaadkii 15-aad ee premier League kulan ka dhici doona garoonka Emirates.

Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyada oo si aad ah u doonaysa in ay gaaadho guul kadib markii ayna wax guul ah gaadhin 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee premier league.

Dhanka kale Brighton ayaa kulanka soo galaya iyaga oo guuldaro dirqi ah kala kulmay kooxda Liverpool waliba doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha premier League.

Kulanka: Arsenal Vs Brighton

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:15 Habeenimo

Garoonka: Emirates Staduim

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaan waligeed guuldaro kala kulmin Brighton marka ay premier League ku marti galiso garoonka Emirates iyaga oo badiyay 6 kulan 2 kalena bar-baro la galay xilli ay 6 kulan shabaqooda ka ilaashadeen.

Brighton ayaan guuldaro kala kulmin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Arsenal premier League hal guul iyo 2 bar-baro ayay la gashay laakiin waligood 4 kulan guul lamaan kuma noqon Arsenal Tartamada oo dhan.

Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee ay Brighton Khamiis ciyaartp premier League waxana ay guul la,aan yihiin 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaareen bar-tamaha todobaadka Salaasada & Arbcada.

Arsenal ayaa kaliya ku fashilantay in ay gool dhaliso 2 ka mid ah 59-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League ku ciyaarto garoonka Emirate waxana ay labadaas kulanba ahaayeen man City.