Napoli Oo Iska Fasaxday Ancelotti

1892

Napoli ayaa shaaca ka qaaday in shaqaddii ka eriyeen macalin Carlo Ancelotti ka dib markii uu xalay kooxdaas ku hogaamiyay wareegga 16-aad ee Champion-ka.

Napoli ayaa xalay afar gool oo nadiif ah ku garaacday kooxda Genk oo ay wada ciyaareen wareegga ugu dameeya ee marxaladda Group-ka Champion-ka

Inkastoo uu badiyay hadana Napoli xilli ciyaareedkaan natiijo liita ayay soo bandhigayaan dhanka horyaalka waxa ayna ku jiraan booska 7-aad

” Waxa ay maamulka Napoli go`aansadeen in ay iska fasaxaan macalin Ancelotti” ayaa lagu yiri qoraal ay soo dhigeen bartooda Twitter-ka

“Weli xariir saaxibtinimo iyo ixtiraamka waa inoo dhaxeeynayaa macalin Ancelloti” ayaa la sii soo raaciyay qoraalkaas

Napoli ayaa ku soo baxday booska labaad ee Group-ka 5-aad iyaga oo leh 12 dhibic waxa ayna ku xigaan Liverpool oo leh 13 dhibic.