Al-Shabaab oo saaka weerartay degmada BALCAD

1873

Dagaal ayaa saaka ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe kaasoo dhexmaray ciidamada xoogga dalka iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu bilowday ka dib markii saaka waaberigii xoogaga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen bar-kontrol oo ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin meel ku dhow degmada Balcad.

Kontrolka la weeraray ayaa ku yaalla galbeedka degmada Balcad gaar ahaan wadada aada Biyo-xireenka waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhawaqa rasaasta iyo hubka kale ee labada dhinac isweydaarsanayeen ayaa waxaa si weyn looga maqlayey gudaha degmada Balcad sida ay sheegeen dadka degaanka.

Ilo Wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in dagaalka saaka ay ku dhinteen saddex qof oo ka kooban laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Milateriga iyo nin shacab ah oo caanka ahaa degmada Balcad kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyey Axmed Ganey, iyadoo dhinaca Al-shabaab aan la ogeyn khasaaraha ka soo gaaray weerarkan.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Balcad ayaa sheegaya in ciidamada la weeraray ay maalmo ka hor Kontrolkaas soo dageen, iyagoo ka yimid dhinaca Tuulada Gololey oo ku taalla wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar.

Xaalada degmada Balcad ayaa hadda degan ka dib dagaalkii saaka inkastoo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ay wadaan ciidamada xoogga dalka ee degmadaas ku sugan.