C/Cabdi Shakuur: Lafta-gareen Kursi dhiigleh ayuu kufadhiyaa

1864

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa baaq jawaab ah u diray madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xalay jeediyey hadal uu ku weeraray siyaasiyiinta beesha Habar-gidir ee mucaaradsan dowladda Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qorala uu Cabdiraxmaan soo dhigay facebook

Shacabka Koonfur Galbeed waa dad nabad jecel, dadnimo leh, ilbaxnimo wada noolaasho iyo dad la dhaqanba leh. Dadkii lagu laayey 13-kii December 2018 Baydhabo waxaa ka qayb qaatay ciidanka Itoobiya iyo kuwa Federaalka ah. Amarkana waxaa bixiyey Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale Roobow iyo dadkii kale ee la xiray amarka xoriyadda looga qaaday waxaa lahaa Farmaajo.

Walaalkey C/Casiis Laft gareen, xilligaas xil ma haynin, isaguna amarka dadka lagu laayey ma dhiibin, laakiin kursi dhiig leh ayuu meesha ka qaatay. Ma aha in uu daboolo ama dafiro shacabkii la xasuuqay iyo kuwa xorriyadda laga qaaday ee xabsiga ku jira, ee waa in uu ka shaqeeyaa mag dhaw, dib u heshiisiin, iyo in uu xoriyaddooda u soo celiyo dadka xiran.

Waa la isku deyi karaa in la qabiileyo doodda la xariirta xasuuqii Baydhabo, oo indhaha dadka laga leexiyo ciddii dhibka gaysatay, laakiin waxaa jira ma hadhooyin ku lamaasan oo aan marna laga reebi karin magaca Farmaajoo sida; xasuuqii Baydhabo, dhiibista Qalbidhagax, cunaqabatayntii Kismaayo, iyo weerarkii xarunta Xisbiga Wadajir ee 17 kii December.

Tan kale, Al-shabaab qabiil ma laha, qolo walbana way xasuuqaan, qabiil walbana waa ku jiraa, waana khalad in qolo loo saariyo Alshabaab. Mid ay walaasheey dhashay ayaa la ii sheegay in uu fariin soo faray, isagoo leh Abti Ilaaheey ayaa na kala baxsaday oo waxaa beri yeelay Sh Xasaan.

Dadkii lagu xasuuqay Gaalkacyo waxaa xasuuqay mooryaan beeleed, waxayna ahayd fal danbiyeed waxshinimo leh, oo ay mooryaan gaysatay. Reer Gaalkacyo iyo Soomaali oo idil way ka dhiidhiyeen, xitaa kuwii ku dhiiran waayey in ay kalmad ka yiraahdaan xasuuqii Baydhabo.

Walaalkeen Laftagareen waxaan kula talinayaa in uusan waqti ku lumin difaaca Farmajo ee waqti ha geliyo sidii uu kursigiisa dhiigga uga mayri lahaa, dadkiisa la heshiiyo, dadka deegaanka ha heshiisiiyo, inaguna waxaan diyaar u nahay in aan sidaas ku taageerno.

HALKAN KA AQRI FARIINTA C/CABDI SHAKUUR