DAAWO Gudiga doorashada Galmudug oo maanta Ahlu Sunna ka gudoomay 20 xildhibaan ay soo xuleen

1867

Ahlusunna waljameeca ayaa maanta gudigga Farsamo ee maamul u sameynta Galmudug ku wareejisay magacyada 20 xildhibaan oo ku matali doona Barlamaanka Labaad ee Galmudug.

Tilaabaadan ayaa qeyb ka ahayd dhaqangalka heshiiskii xukuumada Soomaaliya iyo ahlsunna oo ahaa in Ahlusunna saamiyo lagasiiyo kuraasta barlamaanka cusub Galmudug.

Dhawaan ayay ahayd markii lasoo bandhigay liiska 20 xubnood oo ahlusunna u matelidoona barlamaanka Galmudug, hase yeeshee Lama oga in wax laga badalay liiskaas, kadib markii beelahooda cabasho weyn ka muujiyeen.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle
Ducaale Xaaf uu kasoo horjeestay qaabka loo dhisayo Galmudug, isagoo sheegay inuu lasoo laabanayo Galmudgtii uu madaxda ka ahaa.