Siyaasiga Muuse Cali Jaamac oo la xukumay+SAWIRRO

1882

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta go’aan ka gaartay dacwad loo heystay siyaasiga Muuse Cali Jaamac iyo afar odayaal ah oo horay u dhaliilay xukuumadda Puntland ee Siciid C/laahi (Deni).

Maxkamadda ayaa xukuno kala duwan oo isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed ku riday eedeynayaasha, kadib markii ay sheegtay inay ku heshay kicin dadweyne iyo aflagaado.

Siyaasiga caanka ah ee Muuse Cali Jaamac, Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed ayaa saddexdoodu waxa ay maxkamadda Boosaaso ku xukuntay xabsi muddo saddex bilood ah iyo ganaax lacageed oo dhan 500 oo Dollar.

Sidoo kale maxakamadda ayaa laba sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1,000 ku riday Nabadoon C/casiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble.

Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda oo ku dhawaaqay go’aankaan ayaa fadhiga maanta ka sheegay in weli xukunsanayaasha u furan yahay racfaan muddo bil ah.

Muuse Cali Jaamac oo si weyn looga yaqaano Puntland iyo 4-ta oday ee kale ayaa horay shirar siyaasadeed ugu qabtay Boosaaso, kuwaas oo looga soo horjeeday Dp-World.

Tan iyo markii xabsiga la dhigay odayaashaan waxaa Boosaaso ka jiray xiisado xoogan oo ka dhashay xarigooda oo u dhexeeyey Siciid Deni iyo waxgaradka magaaladaasi.